Faah faahino dheeraad ah oo ka soo baxaya Dagaal ka dhacay gobolka Mudug

0

Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya dagaalo ka dhacay bariga gobolka Mudug oo u dhaxeeyay dad xoolo dhaqato ah oo ku sugan gobolka Mudug.

Qaar kamid ah dadka deegaanka oo la hadlay Idaacadda Risaala ayaa sheegay in dagaalka uu sababay dhimashada ku dhawaad lix ruux oo dadka dagaalamay ah.

Dagaalka ayaa ka dambeeyay kadib markii dadka xoololeyda ay isku qabsadeen xoolo la kala dhacay, waxaana xiisada maalmahaan ay ka taagneyd gobolka Mudug.

Dadka deegaanka ayaa sheegaya in dadka dhintay ay ahaayeen dhinacyadii dagaalamay iyo dad rayid ah.

Waxaa socdo dadaalo ay wadaan odoyaasha dhaqanka ee gobolka Mudug kuwaasi oo doonaya in xiisada dagaalka la qaboojiyo.