Dowladda Maraykanka oo shaacineysa khasaarihii ka dhashay Weeraradii diyaaradaheeda ka geysteen Soomaaliya

0

Aqalka Bentigonka Maraykanka ayaa la filayaa in uu dhawaan si rasmi ah u soo saaro Khasaarihii ka dhashay weeraradii diyaaradihiisa aan duuliyaha laheyn ka geyteen qeybo ka mid ah Soomaaliya.

Maraykanka ayaa sheegay in Al Shabaab damacsanaayeen in ay weeraro ismiidaamin ah ku qaadaan Xarunta uu ku leeyahay Soomaaliya iyo mida kale ee ay ku leeyihiin Magaalada Nairobi.

Dhawaan ayey ahayd markii Aqalka Cad ee dalka Maraykanka uu ku dhawaaqay in ay soo sheegi doonaan khasaaraha ka dhashay duqeymo diyaaradahooda aan cidina wadin ay ka geysteen Soomaaliya  sida Wakaaladda Wararka ee AP ay qortay.

Wasaaradda Gaashaandhiga Maraykanka ayaa dhawaan sheegtay in duqeymo ay ka geysteen Xero Tababar oo Al Shabaab ay ku leeyihiin Gobolka Hiiraan ay ku dileen illaa 150 dagaalyahan.