DHAGEYSO WAREYSI:- Caruur ku geeriyootay Gobolka Sh/Dhexe iyo Xaalad nolol xumo oo laga soo sheegayo gobolkaasi

0

Tuulooyin ka tirsan Gobolka Sh/Dhexe gaar ahaan kuwa ku teedsan Wabiga Shabeelle ayaa waxaa la sheegay in 5 Caruur ay ku dhinteen Tuulooyinkasi ka dib marki ay cabeen Biyo Wasaqeysan.

Tuulooyinkan ayaa beryihii ugu dambeeyay waxaa ka jiray biyo la’aan saameysay dadka iyo duunyada kadib markii uu guray wabiga Shabeeelle oo ay biyihiisa ku tiirsanaayeen.

Gudoomiyaha tuulada Bacaadley ee Gobolka Sh/Dhexe Yoonis Cabaas Abuukar ayaa arrimahaasi ka warbixiyay, waxa uuna Hay’adaha caalamka ugu baaqay iney gurmad la soo gaaraan.

Hoos ka Dhageyso Wareysiga:-