DHAGEYSO WAREEYSI:- Qaabka ay Al-Shabaab ku qabsadeen Deegaanka Garacad ee ka tirsan Gobolka Mudug

0

Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya qaabkii ay Al-Shabaab Caawa kula wareegeen deegaanka garacad oo ka tirsan gobolka Mudug iyo qaabkii ay ugu soo suurta gashay.

Wararka aan heleyno ayaa sheegay in Al-Shabaab si nabad galyo ay ku qabsadeen deegaanka Garacad isla markaana ay ka soo galeyn dhanka bada.

Al-Shabaab ayaa la sheegay in mudooyinkii dambe ay ku sugnaayeen deegaano ka ag dhawaa deegaanka ay Caawa la Wareegeen ee Garacad.

Maamulka Puntland oo ka taliya deegaanka ay Al-Shabaab la wareegeen Caawa ayaana weli ka hadlin qabsashada Al-Shabaab ee deegaanka Garacad.

Hoos ka Dhageyso Wareysiga qof sharxayo qaabki Al-Shabaab kula Wareegeen deegaanka Garacad:-