DHAGEYSO:- Madaxweyne Axmed Madoobe oo shaaca ka qaaday qaabka ugu sahlan ee looga adkaan karo Ururka Al-Shabaab

0

Madaxweynaha Maamulka Jubbaland Axmed Madoobe oo Shir Jaraa’id Magaalada Kismaayo ay ugu wada qabteen wakiilka Midowga Afrika u qabailsan AMISOM ayaa,waxaa uu sheegay Axmed Madoobe in isaga ay la quman tahay in Beesha Caalamka iyo Dowladaha taageera Ciidanka Soomalaiya ay taageeradooda siiyaan Ciidamada Maamul Goboleedyada.

Axmed Madoobe,waxaa uu sheegay in Ciidan la isku dhafo ay ku adagtahay dowladda Soomaaliya oo uu sheegay in ay ku mashquulsan tahay Siyaasadda sidaa darteedna ay wanaagsan tahay in la taageero ciidamada Mamaul Goboleedyada si  Al-shabaab ay uga saaraan Dhulka ay heystaan.

Waxaa uu sheegay in Maamulkiisa Jubbaland ay diyaar u yihiin in ay ka qeybgalaan howlgalka ugu horreeya ee ay AMISOM fulineyso,islamarkaan maamul Goboleedyada kale loo baahan yahay in laga taageero dhismaha Ciidamadooda.

Ciidanka Federaalka ayuu sheegay in aysan  buuxin Karin doorka looga baahan yahay Maddaama Dowladda ay ku mashquulsan tahay jaan gooynta Siyaasadda.

HALKAAN KA DHAGEYSO