DHAGEYSO:- Madaxweynaha Galmudug oo mar kale Ahlu Sunna wada hadal ugu baaqay

0

Madaxweynaha maamulka Galmudug C/kariin Xuseen Guuleed oo dib ugu laabtay magaalada Cadaado ayaa baaq u jeediyay maamulka Ahlu sunna ee gobolada Dhexe.

C/kariin Xuseen Guuleed, madaxweynaha Galmudug oo muddooyinkii ugu dambeeyay ku maqnaa dalka UK ayaa markuu ku laabtay magaalada Cadaado wuxuu ka hadlay waxyaabaha u soo qabsoomay.

Wuxuu ugu horeyn ka hadlay wadahadaladii ay horey ugu baaqaan maamulka Ahlu sunna, wuxuuna markale sheegay iney diyaar u yihiin xalinta dadka maamulkiisa dhaliilsan.

Wuxuu sheegay in maamulkiisa diyaar u yahay in wax walbaa oo khilaafaad ah oo ka jira deegaanada maamulkiisa lagu dhameeyo hab wadahadal ah, sida uu sheegay.

Hoos ka Dhageyso Codka:-