DHAGEYSO:- Maamulka Galmudug oo sheegay iney ka war qabaan Howlada Ciidanka NISA ay ka sameeyaan deegaanadeed

0

Wasiirka Amniga Mamaulka Galmudug ee Soomaaliya  Cismaan Taar-dhuleed ayaa sheegay in Maamulka Galmudug uu ka warq abo howlagallada Ciidamada Nabad Sugidda Soomaaliya ee NISA ay ka fuliyaan degaannada maamulkayaa Galmudug.

Taar-dhuleed,waxaa uu sheegay in Ciidamada NISA ee Dowladda Federaalka ah  iyo Galmudug ay ka dhaxeyso wada shaqeyn wanaagsan iskana warqabaan,waxaa kale oo uu sheegay in Ciidamada Ilaalada Xeebaha Galmudug la dhisay sidoo kale ay hadda u socoto dhismaha Ciidamada Asluubta Galmudug.

Ciidamada Ilaalada Xeebaha ayuu sheegay in ay u baahan yihiin agabkii ay ku howlgali lahaayeen,kadib markii uu maamulkooda iyo Wasaaraddiisub diyaariyeen Ciidankaasi.

Waxaa uu sheegay in Ciidamada Asluubta ay u baahan yihiin in ay noqdaan Ciidan Anshax leh oo lagu aamini karo Maxaabiista ku jirta Xabsiyada.

Hoos ka Dhageyso Codka:-