DHAGEYSO:- Maamulka Galmudug maka warqabaa Howlgallada Ciidamada Nabad Sugidda Soomaaliya ay ka fuliyaan degaannada Galmudug ? Wasiirka Amniga Cismaan Taar-dhuleed ayaa ka jawaabaya

0

Wasiirka Amniga Mamaulka Galmudug Cismaan Taar-dhuleed oo shalay hortagay Baarlamaanka Maamulkaasi ayaa sheegay in Maamulka Galmudug uu ka warqabo howlagallada Ciidamada Nabad Sugidda Soomaaliya ee NISA ay ka fuliyaan degaannada maamulka Galmudug.

Taar-dhuleed,waxaa uu sheegay in Ciidamada NISA iyo Galmudug ay ka dhaxeyso wada shaqeyn wanaagsan iskana warqabaan,waxaa kale oo uu sheegay in Ciidamada Ilaalada Xeebaha Galmudug la dhisay sidoo kale ay hadda u socoto dhismaha Ciidamada Asluubta Galmudug.

Ciidamada Ilaalada Xeebaha ayuu sheegay in ay u baahan yihiin agabkii ay ku howlgali lahaayeen,kadib markii uu maamulkooda iyo Wasaaraddiisub diyaariyeen Ciidankaasi.

Waxaa uu sheegay in Ciidamada Asluubta ay u baahan yihiin in ay noqdaan Ciidan Anshax leh oo lagu aamini karo Maxaabiista ku jirta Xabsiyada.

HALKAAN KA DHAGEYSO