DHAGEYSO:- Guddoomiyaha Maxkamada Ciidamada Qalabka sida oo sheegay in la hirgeliyay dhismaha maxkamad wareegta oo qaada kiisaska ciidanka

0

Gudoomiyaha maxkamada darajada koowaad ee ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya Xasan Cali Nuur ayaa sheegay in maxkada wareegta laga hergaliyay  xarumaha ciidamada militariga ay ku sugan yihiin gobolada dalka Soomaaliya.

Waxa uu sidoo kale sheegay gudoomiyaha maxkamada in maxkamadan ay tahay mid gaar ah looguna magac daray maxkamada gurguurta waxayna tageysaa xarumaha iyo furunta ay ciidamada ku sugan yihiin si halkaasi loogu maxkamadeeyo ciidamada gala qaladaadka ama kuwa kiisaska lagu soo eedeeyo sida uu sheegay gudomiyaha maxkamada Xasan Cali Nuur Shuute.

Hirgelinta maxkamada gurguurta uu ku dhawaaqay gudoomiyaha maxkamada ayaa dad badan oo siyaasiyiin ah iyo khubaro dhankaamniga ah ayaa aaminsan in ay yareyn karto dhibaatooyinka inta badan ay ciidamada ugeystaan dadka shacabka ah.

Hoos ka Dhageyso Codka:-