Daawo Sawirada Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya oo la kulmay Amiirka Kuwait

0

Wafdi uu hogaaminayo Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Dhiirigelinta Maalgashiga ee dowladda Soomaaliya oo booqasho ku jooga dalka Kuwait ayaa la kulmay Amiirka dalkaas Sheekh Sabah Al-Ahmmad Al-Jaber Al-Sabah.

Wafdiga Wasiirka ayaa si toos ah loogu gudbiyay madaxtooyada Kuwait, halkaasoo uu kula kulmay Amiirka dowladda Kuwait H.H. Sheikh Sabah Al-Ahmad Al-Jaber Al-Sabah, waxaana wasiirku uu u gudbiyay Amiirka dalka Kuwait dhambaal uu ka siday Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya H.E Hassan Sheikh Mohamud, ka dibna wasiirka waxa uu ka mahad celiyay siday Kuwait u garab istaagtay Soomaaliya duruufihii adkaa ee ay soo martay, wuxuuna sheegay Amiirku in uu dalka Kuwait uu diyaar u yahay in uu soomaaliya wax kasta u qabto oo garab istaag ah.

Mr Hadliye ayaa sidoo kale la kulmay Ra’isul Wasaaraha dalka Kuwait H.H. Sheikh Jaber Al-Mubarak Al-Hamad Al-Sabah, waxa uuna gaarsiiyay salaan uu ka siday Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya H.E. Omar Abdirashid Ali Sharmarke, isagoo bogaadiyay kaalinta Kuwait ay ka qaadatay Arrimaha Soomaaliya .

Waxaa uu kaloo Wasiirka la kulmay Ra’iisul wasaare kuxigeenka koowaad ahna Wasiirka Arrimaha Dibadda Kuwait H.E. Sheikh Sabah Khalid Al-Hamad Al-Sabah,waxaana lagu soo dhoweeyay si maqaam sare leh, waxaana kulankaasi looga wada hadlay dib u furidda Safaaraddii Kuwait ay ku laheyd caasimadda Muqdisho, Shirka Waxabarashada Soomaaliya ee ay martigelineyso dowladda Kuwait, ka howlgelinta Sanduuqa Maalgashiga Kuwait gudaha dalka Soomaaliya , in la is weydaarsado booqashooyin heer Wasiir ah, in ganacsatada Kuwait ay maalgeshi ku sameeyaan dalka Soomaaliya, isdhaafsiga khibradaha labada dal iyo in la dhiso guddi heer Wasiir ah oo labada dal u dhaxeeya .

Ugu dambeyn waxaa ay kulamadaas ku soo dhamaadeen jawi guul iyo is afgarad ah leh, iyadoo wafdiga uu hogaaminayay Wasiirka Arrimaha Arrimaha uu ka mahad celiyay sida wanaagsan ee loogu soo dhoweeyay Kuwait.

Hoos ka Daawo Sawirada:-

kuwait-1 kuwait-2 kuwait-3 kuwait-4