WAR DEG DEG AH: Shirkii Dib U Heshiisiinta Jubbaland Oo Wejigiisi 2-aad Soo Gabagaboobay, 14-kii Qodobadii Oo La Gudbiyay Iyo Wejiga 3aad Oo Laga Yaabo In Uu Dhawaan Furmo.

0

Wararka iminka naga soo gaaraya magaalada Kismaayo ayaa waxa ay sheegayaan in uu soo gabgaboobay shirkii dib u heshiisiinta Jubbaland wejigiisi Labaad.

Warkan ayaa intaasi waxa uu ku darayaa in wejigii labaada ee shirkii dib u heshiisiinta Jubbaland ee galabta ka furmay magaalada Kismaayo uu iminka soo gabagaboobay iyadoo beeshaa Sade ay ku gudbiyeen 14-kii qodob.

Shirka Galabta ayaa siyaasiyiita Beesha Sade ayaa waxa ay Madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe ugu gudbiyeen 14 qodob taas oo uu isaga iyo siyaasiyiintiisa ay sheegeen inay Jawaab kasoo bixinayaan sida ugu dhaqsiyaha badan, waxaana lagu wadaa in wejiga Sadexaad ee shirka dib u heshiisiinta Jubbaland uu dhawaan ka furmo magaalada Kismaayo.

Dhinaca kale 14-ka qodob ee ay gudbiyeen siyaasiyiinta beesha sade Haddii Madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe iyo Garabkiisa ay sidooda ku qaataan ayaa waxaa suuragal ah inaan loo baahan wejiga sadexaad ee shirka Dib u heshiisiinta Jubbaland, haddise ay dood 14-ka qodob kasoo ceshaan waxaa furmaya dood taas oo noqonaysa in wejiga sadexaad ee shirka.

Isku soo wada duuboo waxaa wejiga labaad ee shirka dib u heshiisiinta Jubbaland ee galabta ka dhacay magaalada Kismaayo ayaa gabgabadiisi waxaa dhamaan siyaasiyiinta wejiyadooda ka ka muuqatay isfahan iyo farxad midey ku dheehan tahay.

Waxii Kasoo Kordha Warkan Kala Soco Allgalgaduud Media