Puntland oo ka qayb-galaysa shir looga Hadlayo Horumarinta Wax-barashada Caalamka

0

Wasiirka Waxbarashada Puntland, Abshir Aw-Yuusuf Ciise ayaa Maanta u dhoofay Jasiirada Seychelles ee Afrika, halkaasoo uu uga qaybgalayo shir looga hadlayo horumarinta wax-barashada dad-ban iyo sida loo horimarin karo xirfad-leyda Caalamka.

Shirka oo socon doona muddo Shan maalmood ah ah ayaa waxaa ka qayb-galaya 13 dal oo daneynaya horumarinta xirfadlayaasha Adduunka iyo sidii sare loogu qaadi lahaa aqoonta ku aadddan xirfadahooda.

Wasiir Abshir Aw-Yuusuf ayaa intii uusan ka duulin degmada Gaalkacyo, wuxuu kormeer ku sameeyay qaar ka mid ah iskuullada magaalada Gaalkacyo, ujeeddada kormeerkan lagu sheegay inuu ahaa mid lagu dhiirri-gelinayay ardayda fasalka afaraad ee sannadkan galaya imtixaanka guud ee dugsiyada sare ee Puntland, kaasoo ay sanad walba qaaddo wasaaradda waxbarashadda Puntland.

Ugu dambeyntii, wasiirka waxbarashada Puntalnd, ayaa waxaa la filayaa in marka uu tago Jasiiradda Seychelles uu booqdo maxaabiis burcad-baddeedda ee ee Soomaalida ah ee ku xiran jasiiraddaas.