DHAGEYSO:- Milateriga Dalka Nigeria oo dilay ku dhawaad 70 qof oo Boko Xaraam ah

0

Milateriga Nigeria ayaa sheegay in askartoodu ay dileen ugu yaraan 60 qof oo looga shakiyey inay ka tirsan yihiin kooxda Boko Xaraam.

Sida lagu sheegay bayaan uu soo saaray afhayeenka milateriga, Col Sani Usman, laba qof oo kale ayaa la xiray, iyadoo 120 qofna la soo badbaadiyay, waxaana dadkaas ka mid ahaa haweeney umushay daqiiqado ka hor intii aan la soo samata bixin.

Milateriga ayaa sheegay in ciidanku ay ku jireen hawlgal lagu qaaday dhammaanba xeryaha mintidiinta Boko Xaraam ee la og yahay, iyo meelaha ay ku dhuuntaan ee u dhow tuulooyinka waqooyiga bari ee Nigeria.

Sida uu sheegay afhayeenka milateriga Gaashaanle sare Sani Kukasheka Usman, ciidamadu waxay sidoo kale gacanta ku dhigeen hub iyo saanad, gaadiid iyo qalab.

Wuxuu sheegay in ciidanka ay dhowr wajhadood ka hawlgaleen iyagoo taageero ka helayey mujtamaca iyo duqayn ay hawada ka sameeyeen ciidanka cirka.

Askarta qaarkood ayaa la kulmay weerarro ay jidka u galeen xubno la tuhunsan yahay inay ka tirsan yihiin dagaallamayaasha Boko Xaraam, laakin waxaa u suurto gashay inay iska waabiyaan weerarrada halkaana ay ku dilaan qaar ka tirsan dagaallamayaasha.

Dadka la soo furtay weli haybtooda lama sheegin, laakin afhayeenku wuxuu sheegay in milaterigu ay baaritaan ku sameeyeen oo ay diiwaan geliyeen.

Hoos ka Dhageyso Codka:-