FAALLO:- Galaangalka C/weli Gaas oo diidmadiisa Figta sare gaarsiinayo iyo Dowladda Federalka oo ku daashay Dhabano-hays Siyaasadeed.

0

Dowladda Federalka oo ay dhowr bilood ka harsan tahay Xilli-hawleedka Sharciga ayaa waxay weli qaadi la’ yihiin Tallaabo Siyaasadeed, si loo dhaqaajiyo Qorshaha loogu diyaar-garoobayo Fulinta Hawlaha Doorashooyinka Qaran ee la saadaalinayo in ay dhici doonaan bisha September  ee sannadkan.

Go’aankii Dowladda Federalka ku go’aamisay Nidaamka Doorashooyinka oo ay Beesha Caalamka taageereen ayaa u muuqda mid dhaqaaqi la’, iyadoo Dowladda Federalka iyo Maamul-gobaleedyadda u muuqdaan kuwo ka caajisan inay yeeshaan Shirar lagu sii ambaqaadayo Arrimaha la xiriira Nidaamka Doorashadda.

Waa hubaal weli lama diyaariyey Xeer-hoosaadka Doorashooyinka, Guddiyadda Cod-bixinta, kuwa Ammaanka, kuwa Ilaalinta Nidaamka Doorashooyinka,  Naqshaddii  Waraaqaha Cod-bixinta Doorashadda ee Maamul-gobaleedyadda iyo Asteynta goobaha ay Maamul-gobaleedyadda u qorsheeyeen in la dhigo Sanaadiiqda Cod-bixinta.

wada tashiga qarankaXeeldheerayaasha ayaa rumeysan inay Dowladda Federalka ka gaabinayso Dardar-gelinta Hawlaha loogu gogol-xaarayo Doorashooyinka, isla markaana aysan Dowladda Federalka ku baraarugsanayn inay tahay Dowlad taagan Xilli-guur, loona baahan yahay inay ka shaqeyso sidii loo fulin lahaa Hab-dhaqanka Xilliga Kala-guurka, looguna diyaar garoobi lahaa in Dowladda cusub ee la dooran doono si uusan dib-u-dhac ugu imaanin Xilliga lala kala wareegayo Awoodda Qaranka.

Walaaca taagan ayaa ah iyadoo aysan Madaxda Dowladda Federalka iyo kuwa Maamul-gobaleedka si rasmi ahaan isugu towfiiqsanin Taabagelinta Go’aankii Dowladda Federalka bishii Janaayo 27-dii  ku soo bandhigeen Nidaamka Doorashooyinka.

Madaxda Dowlad-gobaleedyadda wey wada taageereen, marka laga reebo Madaxweynaha Maamulka Puntland, C/weli Maxamed Cali Gaas oo isaga ka soo horjeeda in Doorashooyinka lagu saleeyo Nidaamka Awood-qeybsiga ee 4.5

Madaxweyne Gaas oo Ajendo Dahsoon ka leh Diidmadaasi ayaa iska indha-tirayo Xaqiiqda Awood-qeybsiga Beelaha, iyadoo la og yahay in isaga iyo Maamulkiisa lagu soo doortay Nidaam Beeleed, sidoo kalena markii uu Ra’isul-wasaraha ka ahaa Dowladdii KMG lagu soo xulay Nidaamkaasi.

Waxaana isweydiin mudan waxa uu Madaxweyne Gaas ugu mintidayo Diidmadaasi oo uu Gole kasta kaga dhawaaqayo inuusan oggolaan doonin Nidaamkaasi oo la og yahay inay Ummadda Soomaaliyeed horey ugu heshiiyeen, kuna soo caano-maaleen tan iyo Madaxweynihii ugu horreeyey ee Dowladdii KMG, Marxuum C/llaahi Yuusuf Axmed.

Galaangalka Siyaasadeed ee C/weli Gaas ku faafinayo Aragtidiisa Diidmadda ee Nidaamka 4.5  ayaa laga cabsi qabaa inay saamayn xooggan ku reebto Kalsoonida Midnimadda Siyaasadeed ee Dowladda Federalka iyo Dowlad-gobaleedyadda.

C/weli Gaas oo Shaqsi ka ah Madaxda Dowlad-gobaleedyadda iyo Maamulka Puntland ayaan la ogeyn halka uu ku awr furan doono Geeddigiisa, waxaana laga cabsi qabaa inuu Reer Puntland ku hago Aragtida Gooni-goosashadda oo la og yahay halka ay Maamulka Somaliland la yururaan 25-sanno kadib.