DHAGEYSO WAREYSI:- Sargaal ka tirsan Ururka Al-Shabaab oo lagu dilay Baraawe

0

Ciidamada Ammaanka Degmada Baraawe ee Gobolka Shabelaha Hoose ayaa Toogasho ku dilay Sargaal Shabaab ah oo la sheegay inuu Weerar ku qaadi rabay Guriga Guddoomiyaha Degmada Barawe Xuseen Barre Maxamed Jeex iyo sidoo kale Saldhiga Ciidamada Ee Degmadaasi.

Guddoomiyaha Degmada Baraawe Xuseen Barre Maxamed oo la hadlay Radio Kulmiye ayaa sheegay in Ciidamada Ammaanka Ee Degmada ku sugan ay ka war heleen Ninkaan oo Weerar ku soo ah Guriga Guddoomiyaha islamarkaana ay Toogasho ku Dileen.

Guddoomiyaha Degmada Baraawe ee Gobolka Shabellaha Hoose ayaa dhawaan waxaa lagu dhaawacay Weerar Bam oo lagu qaaday Xafiiska uu ku shaqeeyo ee Degmadaasi.

HALKAAN KA DHAGEYSO WAREYSI