DHAGEYSO:- Kismaayo oo lagu qabtay Shirar Gaar gaar ah oo looga hadlayo Howgalo cusub Al-Shabaab looga saarayo Jubbooyinka iyo Gedo

0

Magaalada Kismaayo ayaa waxaa maanta lagu soo gabagabeeyay shirar gaar gaar ah oo looga hadlaayay howgallo cusub oo lagu doonaayo in Al-Shabaab loogu saaro deegaanada ay kaga sugan yihiin gobolada Jubooyinka iyo Gedo.

Shirarka Kismaayo lagu soo gabagabeeyay ayaa waxaa ka qeybgalay ergayga midowga Yurub u qaabilsan Soomaaliya, wakiilka Afrika u qaabilsan Soomaaliya ahna madaxa AMISOM, Saraakiil ka tirsan Dowlada Itoobiya, wasiirka Wasaarada gaashandhigga Soomaaliya, madaxweynaha Maamulka Jubbaland iyo Saraakiil kale.

Sidoo kale shirarka Kismaayo lagu soo gabagabeeyay ayaa waxay ahaayeen kuwa Albaabada u xeran yihiin oo Saxaafada ay dibad jog ka ahaayeen.

Madaxweynaha maamulka Jubbaland Axmed Maxamed islaam “ Axmed Madoobe” oo Maanta magaalada Kismaayo Warbaahinta kula hadlay shirarka ka dib ayaa sheegay in guul ay ku soo dhamaadeen shirarkaasi.

Waxa uu sidoo kale sheegay in si wadajir ah ah loo go’aamiyay howl galo cusub oo lagu doonayo in Al-Shabaab loogu saaro deegaanada ay kaga sugan yihiin gobolada Jubooyinka iyo Gedo.

Al-Shabaab ayaa waxay ku sugan yihiin oo ay ka taliyaan deegaano ka tirsan gobolada Jubooyinka iyo Gedo oo mararka qaar ay Weerao iyo Qaraxyo ka soo abaabulaan.

HALKAAN KA DHAGEYSO