XOG:- Xiisado Xoogan oo ka taagan Koonfurta Gobolka Mudug

0

Wararka ka imaanaya koonfurta Gobolka Mudug Waxa ay Sheegayaan in Halkaasi ay ka Taagantahay Xiisad Xoogan.

Deegaanada Ay ka Taagantahay Xiisada Waxaa kamid ah Deegaan Caad Halkaasi oo ku Suganyihiin Shacab Galmudug,

Ururka Al­shabaab Ayaa lagu soo Waramayaa in ay Deegaankaasi ku Socdaan Waxana Arintaasi ka Warhelay Shacabka Deegaanka oo isku Diyaariyay Sidii ay kaga Difaacilahaayeen Shabaabka Halkaasi.

Xiisada Halkaasi ka Taagan Ayaa ku soo aadeysa iyadoo Dhawaan Dagaalo Xoogan ay Dhexmareen Shabaabka iyo Dadka Deegaanka Galmudug oo ka Dhacay Koonfurta Gobolka mudug.