Wiil yar oo ku dhintay duqeymaha Israa’iil ee Magaalada Gaza

0

Saraakiisha caafimaadka ee Falastiiniyiinta ayaa waxa ay sheegayaan in wiil 10 sano jir ah lagu dilay qumeymaha cirka ee ay Israa’iil ka wado waqooyiga Marinka Gaza.

Laba wiil oo walaalihii ahna waxaa soo gaaray dhaawacyo.

Milateriga Israa’iil ayaa sheegay in ay bartilmaameedsadeen afar goobood oo ay leedahay Xamaas, iyagoo taasi kaga jawaabaya gantaalo lagu ganay Israa’iil.

Waxa uu milaterigu sheegay in ugu yaraan afar gantaal oo laga soo ganay Gaza ay ku dhaceen barxad u dhaw magaalada Israa’iil ee Sderot.