TOP NEWS:- Uganda Oo Sheegtay In Ciidamadeeda Ku sugan Soomaaliya Ay Saameyneyso Mushaar Dhimista EU

0

Dowladda Uganda ayaa walaac xoogan ka muujisay dhimista Mushaaraadka Ciidamadeeda qeybta ka ah howlgalka AMISOM ee Soomaaliya taas oo dhawaan ka soo yeertay Midowga Europe oo ka mid ah dalalka bixiya Mushaaraadka Ciidamada Midowga Africa ee ku sugan Soomaaliya.

Ururka Midowga Europe ayaa sheegay in 20%  uu jarayo mushaaraadka Ciidamada AMISOM ee ku sugan Soomaaliya.

Sarkaal ka tirsan dowladda Uganda ayaa sheegay in uu aad uga xunyahay tallaabada Midowga Europe ku dhimeyso mushaaraadka Ciidamadeeda ka howlgala Soomaaliya  isagoo intaas sii raaciyay in tallaabadaasi ay saameyn ku yeelan doonto niyadda Ciidamadooda oo uu sheegay in ay ku shaqeeyaan xaalad halis ah.

Ururka Midoga Africa ayaa horay cabasho ku saabsan dhimista Mushaarka Ciidamada AMISOM ee Soomaaliya u gudbisay Golaha ammaanka ee Qaramada Midoobay.