TOP NEWS:- Kenya Oo Sheegtay In Xerada Dhadhaab Ay Al Shabaab Weeraro Ka Soo Abaabulaan.

0

Xiriiriyaha  Gobolka Waqooyi Bari ee dalka Kenya Max’ud Saalax ayaa walaac xoogan ka muujiyay Xaaladda Xerada Qaxootiga  Dhadhaab oo ay ku nool yihiin illaa Nus Million Qaxooti Soomaali ah oo halkaas degena Muddo 25 sano.

Mr Saalax ayaa sheegay in Xerada Dhadhaab ay noqotay Gobol Al Shabaab ay wax weliba ka sameystaan isagoo xusay in Xeradaasi ay tahay halkii laga soo abaabulay weeraradii lagu qaaday Suuqa Westgate Mall ee Magaalada Nairobi iyo kii lagu qaaday  Jaamacadda Magaalada Gaarisa  oo ay dad badan ku geeriyoodeen.

Xiriiriyaha ayaa wafdi ka socday Golaha ammaanka iyo nabadda ee Midowga Africa iyo Masuuliyiin ka tirsan Hay’adda UNHCR u sheegay in Kenya ay soo dhaweyn fiican u sameysay Qaxootiga ku nool Xerada Qaxootiga ee Dhadhaab.

“ 80% ammaanka Soomaaliya waa mid wanaagsan waxaanse la yaabanahay sababta Qaxootiga Dhadhaab looga rari la’yahay Xeradaasi” sidaasi waxaa dhawaan warbaahinta u sheegay Xiriiriyaha Gobolka Waqooyi Bari Max’ud Saalax.

Madaxa wafdiga ka socda Laanta Qaxootiga Qaramada Midoobay ee UNHCR oo booqday Xerada Dhadhaab ayaa sheegay in xilligaan aysan suura gal ahayn in la baneeyo xerada  isagoo xusay in dadka Qaxootiga ah aysan Soomaaliya ugu diyaarsaneyn waxyaabaha aasaasiga u ah nolosha sida Biyo Nadiif ah , Goobo Waxbarasho , Xarumo Caafimaad iyo ammaanka la isku halleyn karo.