TOP NEWS:- Golaha amaanka ee Q,M oo go’aan ka gaaray eedaha kufsiga la xariira ee askartooda loo jeediyo

0

Golaha amaanka ee Q,M ayaa meel mariyay qaraar lagu ciqaabayo askarta Q,M ee wadamada qaar u jooga nabad illaalinta ee kufsiga geysta.

Xubnaha golaha amaanka ee Q,M oo ka dooday meel marinta sharcigaan ayaa sheegay inay wax aan loo dulqaadan karin tahay in asrkata Q,M ay dumar kufsadan halkii ay bad baadin lahaayeen.

Xog’hayaha guud ee Q,M Ban ki Moon ayaa sharcigaan ku tilmaamay guul laga gaaray eedaha soo laalaabta ee ay wajahaan ciidamada magaca Q,M ku shaqeeya.

Qiyaastii 99 kiis oo kufsi la xariir ayaa lagu helay ciidamada Q,M ee dhawr wadan oo dunnida ah jooga sanadkii naga dhamaaday halka sanadkaana lagu helay 25 kiis.