DHAGEYSO:- Xeer-ilaaliyaha Qaranka oo shaaca ka qaaday waxyaabaha laga sameeyo qaraxyada lagu laayo shacabka Soomaaliyeed iyo Maamulka Gobolka Banaadir oo….

0

Xeer-ilaaliyaha Qaranka Soomaaliya Axmed Cali Daahir oo maanta Warbaahinta kula hadlay Magaalada Muqdisho Ee Caasimadda Soomaaliya ayaa ka warbixiyay Waxyaabaha Muqaadaraadka ah oo dhawaan Mamaulka Gobolka Banaadir uu ku qabtay Magaalada Muqdisho.

Axmed Cali Daahir ayaa Xusay in ay Ogaadeen in Calaqa ku jira Fuustooyinka ee Maamulka Gobolka Banaadir uu qabtay laga sameeyo Waxyaabaha Qarxa islamarkaana ay ka qeyb qaataan Holaca Faafa ee Qaraxu uu sameeyo.

“Baaritaan ayaa socda waxaa la ogaanayaa Natiijada ugu dambeysa ee ka soo baxda,waxaa kale oo la hayaa Dadkii ka shaqeysan jiray,iyaga qudhooda Baaritaan ayaa ku socda”ayuu yiri Axmed Cali Daahir.

Maamulka Gobolka Banaadir ayaa dhawaan soo bandhigay Fuustooyin ay ka buuxaan Maadada Calaqa loo yaqaano oo ay isticmaalaan dadka Muqaadaraadka Isticmala.

HALKAAN KA DHAGEYSO