DHAGEYSO WAREYSI:- Taliska booliska Afgooye oo faah faahin ka bixiyay qaraxii degmadaasi ka dhacay iyo Xaalada caawa sida ay Tahay

0

Maamulka degmada Afgooye ee gobalka Shabellaha Hoose ayaa ka warbixiyay qaraxii maanta ka dhacay bartamaha suuqa khudaarta ee magaaladaas.

Taliyaha booliiska saldhiga degmaga Afgooye Dhame Amiin Maxamed Cusmaan oo Idaacadda Risaala la hadlay ayaa sheegay in qaraxa uu ahaa bambada nuuca gacanta laga tuuro,

Wuxa uu sheegay in ay ku dhaawacmeen 4 qof oo shacab ah ay waxyeelo ka soo gaartay qaraxii maanta degmada Afgooye ka dhacay, isagoo dhanka kale sheegay in ciidamada aysan waxyeelo ka soo gaarin qaraxaasi.

Taliyaha booliiska saldhiga degmaga Afgooye Dhame Amiin Maxamed Cusmaan ayaa waxa uu sheegay in ay wadaan howlgallo amniga lagu xaqiijinayo.

HALKAAN KA DHAGEYSO WAREYSIGA