DHAGEYSO:- Sheekh Caan ah oo lagu Xeray Dalka Talyaaniga iyo Muran ka dhashay Xarigiisa

0

Imaam Soomaaliyeed ayaa lagu xiray magaalada Cambobasso ee dalka Talyaaniga kadib markii sida la sheegay uu doonayay inuu weeraro saldhiga Tarmini Station oo ku yaala magaalada Rome ee dalka Talyaaniga.

Imaamka Soomaaliyeed oo 22 sano jir ah oo gudbiyay warqada codsiga magangalyada dalkaasi ayaa la sheegay in laxiray maalmo ka hor markii uu qorsheeyay inuu ka tago magaalada dhanka koofureed ee dalka Talyaaniga isaga oo kusii jeeda Rome si weerarka uu u fuliyo, sida laamaha amaanka ay sheegeen.

Imaamka ayaa la sheegay inuu degenaa xarunta dhexe ee lagu soo dhaweeyo muhaajiriinta tagta dalkaasi ee loo yaqaano QOYSKA FARAXSAN , halkaasi oo ay deegaansadaan dadka qaxootiga ku ah dalka Talyaaniga.

Imaamka ayaa ku qeylinayay erayo ay kamid yihiin “Dagaalka wuu soconayaa”, “xaruntii wargeyska Charlie Hebdo waa bilowga dagaalka” iyo erayo kale, sida booliska ay sheegeen.

Lama sheegin magaca imaamka Soomaaliyeed ee lagu xiray dalka Talyaaniga.

Warbaahinta Talyaaniga ayaa baahisay in muhaajiriin kale oo Imaamka isla joogeen laga soo xigtay in imaamka uu la dhacsanaa waxyaabaha ay sameynayaa kooxda Khilaafada Islaamiga ee ISIS.

Hoos ka Dhageyso Codka:-