DHAGEYSO:- Puntland oo shir kaga qeyb galeysa Mareynkanka iyo Arimaha looga hadlayo Shirka oo laga warbixiyay

0

Shirku saabsan Tacadiyada dumarka lidka ku ah ee noocyada kala duwan leh, oo Qaramada Midoobeey ay soo qaban qaabisay ayaa dhawaan lagu qabanayaa dalka Maraykanka, waxaana shirkas ka qaybgali doona wafdi ka socda Puntland oo uu hogaaminayo Wasiirka Caddaaladda Puntland Saalax Xabiib Jaamac.

Shirkaan ka dhici doona magaalada New York, halkaas oo wasiirku uu khudbad ka jeedin doono ayna iskugu imaan doonaan dowlado fara badan oo caalamka ah laguma kala war qaadan doono.

Dhinaca kale Wasiir Saalax Xabiib Jaamac oo wax laga waydiiyey socdaalka xeer ilaaliyaha guud ee qaranka Soomaaliya Axmed Cali Daahir  ee Puntland iyo inuu is taagay mashaariic Puntland laga fulin lahaa oo lagu horumarin lahaa xabsiyada, ayuu sheegay inuusan waxba kala socon.

HALKAAN KA DHAGEYSO