DHAGEYSO:- Axmed Madoobe oo go’aano ka soo saaray goobaha Waxbarasho ee la degan yahay

0

Madaxweynaha Maamulka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam “ Axmed Madoobe” oo la hadlay Warbaahinta ayaa waxa uu ka hadlay goobaha Waxbarasho oo ay iska degan yihiin shacabka eek u yaalla deegaanada Jubooyinka.

Axmed Madoobe ayaa sheegay in go’aano ay ka soo saaraya sidii loo baneyn lahaa goobaha Waxbarasho oo uu sheegay in loogu tala galay in wax lagu barto.

Waxa uu sidoo kale sheegay in maamulkiisa uu ku dadaalayo sidii dib loogu soo celin lahaa bahda Waxbarashada goobaha hada ka maqan oo ay shaqsiyaad gaar ah iska degan yihiin.

Hoos ka Dhageyso Codka:-