DHAGEYSO:- Gudoonka Baarlamaanka Soomaaliya oo Qaraar cad ka soo saaray Xaalada amaan ee Dalka

0

Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa Qaraar ama go’aano ka soo saaray Shirarkii Albaabada u xernaa oo ay Xildhibaanada Baarlamaanka la qaateen Ra’isal wasaaraha Xukuumada Soomaaliya Cumar C/rashiid Cali Sharmaake iyo qaar ka mid ah Saraakiisha amaanka ee Dowlada.

Qaraarka oo ka koobnaa 15 qodob ayaa waxaa uu ku saabsanaa xaalada guud ee Dalka gaar ahaan arrimaha amniga iyo kuwa talooyin loogu jeedinayo Xukuumada iyo Saraakiisha amaanka ee Dowlada.

Ku simaha gudoomiyaha Baarlamaanka ahna Gudoomiye ku xigeenka labaad ee Baarlamaanka Soomaaliya Mahad Cabdalla Cawad ayaa Warbaahinta u aqriyay Qaraarka ka soo baxay Baarlamaanka.

Hoos ka Dhageyso Codka Gudoomiye Cawad:-