amaanka Lamu o aad lo adkeeyay iyo Ciidamo fara badan o la geeyay

0

In ka badan 700 Saraakiil dhinaca Ammaanka ayaa loo daabulo qeybo ka mid ah Gobalka Lamu, si ay u xoojiyaan Ammaanka Gobalka.

Saraakiisha ayaa ka kooban Ciiddanka Caadiga, kuwa loo yaqaano GSU iyo kuwa ka hortaga rabshadaha iyo qaar ka tirsan Boliska La-dagaalanka Argagixisadda (ATPU) iyo kuwo ka tirsan Milliteriga caadiga.

Saraakiishaasi ayaa la sheegay in badankooda loo daad-gureeyey dhamaan geesaha Gobalka Laamu, si ay u hubiyaan Ammaanka Dadka Deegaanka iyo kuwa kale ee Laamu u imaanayo Fasaxa soo socda ee loo yaqaano Easter Holidays.

Wargeyska The Nation waxa uu qoray in inta badan Saraakiishaasi in lagu meeleeyey Deegaanadda ay dhibaatooyinka ka soo gaareen cabsida iyo weeraraddii Alshabaab ka fuliyeen Lamu.

Goobahaasi waxaa ka mid ah Deegaanadda Basuba, Milimani, Mangai, Mararani, Kiyangwe, Kiunga iyo Ishakani ee Bariga Laamu, halka kuwo kale la geeyey DeegaanaddaPandanguo, Witu, Kibaoni, Mpeketoni iyo Kaisari ee Galbeedka Lamu.

Guddoomiyaha GobalkaLaamu, Issa Timamy  waxa uu tilmaamay inay Dowlad-gobaleedkaka go’antahay sidii loo xaqiijin lahaa Ammaanka Dalka Kenya.