TOP NEWS:- Maamulka Magaalada Beydhabo Oo Faah Faahin Ka Bixiyay Howlgalo La Sameeyay

0

Guddoomiyaha magaalada Beydhabo ee xarunta gobalka Baay C/llaahi Watiin oo la Hadlay Radio Muqdisho ayaa Faah faahiyay howlgallo Lagu soo qab qabtey Tiro dad oo lagu tuhmayo in ay ka dambeeyeen falalkii qaraxyadda ee ka dhacay Magaaladaasi.

Howlgaladani lagu soo qabtay dadkani ayaa waxa ay ka dhaceen xaafadaha Magaalada Beydhabo Iyo duleedka Magaalada  waxaana fuliyay ciidamadda Nisa iyo kuwa maamulka koonfur galbeed Soomaaliya oo iskaashanaya:” sidaa Waxaa yiri  Gudoomiye C/laahi Watiin.

Mr Watiin oo sii hadlay ayaa sheegay in ciidamada ammaanka iyo maamulka degmada ay wadaan qorshayaal ay uga hortagayaan falalka argagaxisada ay u maleegaan shacbiga Soomaaliyeed, oo uu sheegay in had iyo jeer ay ku dadaalaan la socodka iyo dabagalka dhagar qabayaasha ku dhex dhuumaaleysanayaan.

Guddoomiyaha degmada Beydhabo mudane C/llaahi Watiin oo hadalkiisa sii wata ayaa soo hadal qaaday horumarka magaalada , waxaana uu tilmaamay in magaalada bilicdeeda ay tahay mid aad u wanaagsan islamarkaana ganacsi xoog leh oo sii kordhaya uu ka jiro.