Ra’isal Wasaaraha Dalka Canada oo markii ugu horeysay booqanaya Dalka Mareykanka

0

Madaxweynaha Mareykanka President Barack Obama iyo Ra’isulwazaaraha Canada Justin Trudeau ayaa midbo midka kale amaan huwiyey xilli ay wada hadalo ku qaadanayaan Aqalka Cad.

Mr Trudeau ayaa ku sugan magaalada Washington isaga oo noqday hogaamiyihi ugu horreeyey oo Canada ka socda oo booqasho rasmi ah ku taga Mareykanka ku dhawaad muddo 20 sana ah.

Labada hogaamiye ayaa ka wada hadlay ganacsiga, iyo arrimo la xiriira deegaanka iyo amaanka.
Shir jaraa’id oo ay wada qabteen kulankooda kadib ayuu Mr Trudeau ku sheegay in uu wax badan ka bartay Obama isaga oo yir “Wax badan ayaan ka bartay saaxibkeey Obama, waa nin leh qalbi aad u ballaaran iyo caqli aad u balaaran “.

Mr Obama ayaa isna yiri “Waxaanu wadaagnaa aniga Mr Trudeau arrimo badan, marki la doortay wuxuu la yimid tamar cusub iyo firfircoonaan, ma ahan oo kaliyah Canada ee sidoo kale wuxuu qurxiyey xiriirka labada dal “.

Booqashadaan ayaa imaaneysaa xilli uu soo hagaagayo calaaqaadka labada wadan oo ahaa mid aanan wanaagsaneyn sanadihi lasoo dhaafay, kadib marki uu dhaawacay ra’isulwasaarihi ka horreeyey Mr Trudeau ninka la yiraahdo Stephen Harper.

Shalay gelinki danbe marki uu Washington gaaray hogaamiyaha Canada waxaa lagu soo dhaweeyey roog guduudan, kadibna waxa uu xalay casho sharaf la qaatay madaxweyne Obama.

Booqashadaan ayaa ka danbeeysay ka gadaal marki uu Mr Obama dalab casuumaad ah u diray Mr Trudeau waxyar kadib marki loo doortay ra’isulwasaaraha bishii October 2015.