Nin looga shakiyay inuu isku qarxin rabay Safaarada Mareykanka ee Barliin oo la qabtay

0

Booliska Jarmalka Ee ku sugan Magaalada Barliin ayaa sheegay in Xabsiga la dhigay nin sheegtay inuu watay bambo loo maleynayo inuu doonayay inuu ku weeraro Safaarada Mareykanka Ee Jarmalka.

Afhayeenka Booliska Jens Berger ayaa sheegay in Maanta la xiray uu ku sii socday Irida laga galo Safaarada Mareykanka marka saacada ay ahayd 7:30 subaxnimo lkn Ciidamada ilaalada Safaarada ay xiren.

Afhayeenka waxa uu intaasi ku daray in Booliska ay imminka baarayan kiiska ninkan ku saabsan lkn aad looga shakisan yahay ninkan oo sheegtay inuu bam wato.

Ma jirto ayuu yiri Afhayeenka faahfaahin badan oo aan ninkan weli ka heyno lkn waxa loo maleynayaa inuu maskax ahaan xanuunsan yahay.