Munaasabad Lagu Hirgaliyay Barnaamijka Dariseynta Oo Kaaraan Lagu Qabtay

0

Guddoomiyaha Guddiga dib u heshiisiinta Qaranka Mudane Ismaacil Macalin Muuse, Guddoomiye ku xigeenka Siyaasadda iyo Amniga ee Gobalka Banaadir, Guddoomiyaha Degmada Kaaraan,  fanaaniin, iyo ururada Bulshada Rayidka ayaa ka qeyb galay  Munaasabad lagu hirgalinayay Barnaamijka Dariseynta ee Degmada kaaraan.

Halka munaasabada lagu qabtay ayaa waxaa lagu soo bandhigay Suugaan ka Hadleysay faa’idada laga dhaxli karo hadii ay Bulshada reer kaaran ay taageerto Diriseynta,

Guddoomiyaha Degmada kaaraan ee Gobalka Banaadir Cabdifitaax Nuur Cali oo ka hadlay daahfurka Barnaamijka diriseynta ee degmada kaaraan ayaa waxa uu sheegay in maamulka Degmada uu xooga saari doono sidii muda kooban lagu hir galin lahaa Diriseynta.

Guddoomiye ku xigeynka Siyaasada iyo Amniga ee Gobalka Banaadir Maxamed Axmed Diiriye Yabooh oo soo xiray munaasabada ayaa ku bogaadiyay maamulka iyo Bulshada reer kaaran in maalma gudaheyda ay ku hir galiyaan Barnaamijka diriseynta si loo helo Amni iyo Horumar.

Maamulka Gobolka Banaadir ayaa Qaar badan oo ka mid ah Degmooyinka Gobalka Banaadir  waxa uu  ka hir galiyay Barnaamijka Dariseynta  kaas oo looga gonleeyahay in lagu xoojiyo Ammaanka magaalada Muqdisho iyo Horumarinta adeegyada Bulshada.