MAQAAL:- Gaas hadiyadda uu Woqooyi Ameerika Keenay 4.5 baan diiday bay noqotay!

0

Wax aan been ahayn iyo faan ma hayo, xataa ma garanayo waa lagu bartay oo maradii baa kaa dhacday ee dadaka ka dhuumo, Cabdi wali Gaas waa madax weynaheenii ay inoo soo xuleen kuwa soo fadhiga xun ee golihii shacabka soo kuud kuuda iyagoo aad moodo inaan wax xil ah ka saarnayn dalka iyo dadka oo aan maalin keliya ku deeqi karin hal shillin oo mushaarkooda dadka abaaraha la il daran, oo ay xoolihii iyo dadkiiba u dhimanayaan biyo la’aanta, laakiin canshuurta dadkasa laga qaaday mushaar bay ku leeyihiin aysan shaqaysan, Gafanayaal aan waxba laga dheefin, talo ma keenaan, sharci iyo dastuurka dalka ma ilaaliyaan, wax kasta oo ay ku hadlayaan waxaa wajigooda ka muuqda hadalkoodana laga dheehanayaa inay raadinayaan dan gaar ah, inaysan sheegi karin waxa tastuurka dalka uu qabo, inay u haystaan qof kasta oo aan iyaga ahayn inuu iyaga ka xoolo badanyahay, Gafanayaal, Gafane waa dhintaayee ma dhergo, inta iimaan laawayaashaas ay joogaan Garowe ama Muqdisho Soomaali Qatar huri mayso rajana ma laha.

Gaas aqoon inooguma laabna, ninkii taageerana waa arin iska cad wuxuu u taageeray dan usaga u gaar ah mooyee kuma taageerin inuu yahay masuul daacad, wadani ah, karti iyo dadnimo leh, xilkii uu dadka u hayay gutay ama u shaqaynaaya dalk iyo dadka, waana Alle ka cabsi yaraan daacadda looga fogaanayo. Gaas markii ugu horeysay intii uu madaxweynaheenna noqday ayuu markii u horeyday u soo dhoofay Waqooyiga Ameerica oo ah meesha uu degganyahay, laakiin isagoon waligiis soo dhoofeen oo wuxuu suuq geeyo aan hayn baa waxaa uu ka faa,idaystay diidmada shacabka Puntland ay diideen nidaamka qabaliga ah ee4.5 usagoo iska dhigaya inuu usagu diiday, hadda ogoobey waa shacabkii uu usagu burburiyay, dudumiyay, ee uu hoos geeyay cadowga keliya ee ay leeyihiin ee Xasan Shiikh Maxamuud, oo aan qarsanba colaadda uu u qabo Puntland. Gaas, waaba la soo dhoweeyay, waaba loo heesay, waxbase ma aha waa been kuwa loo dhigay xafladda iyo kuwa dhigay labadaba ay isku ogyihiin.

Gaas bishan aan ku jirno maarso 20, 2016, Michael Keating iyo Xasan iyo safiiro kale garowe ayeey ku soo socdaan, haddee haddana ma waxaad sugaysaa Caasho Geelle inay ku difaacdo, Hayhaata Hayhaata! Alloow ceeb astur, ma waxaa sugaysaa in Cali Xaaji Warsame hadana kuu hadlo mase caruurta iyo haweenka ayaad leedahay banana bax sameeya ilaa adiga iyo Xasan sheikh, iyo Cumar cabdirashiid clai koleey waxaan garanayn baad heshiis ku tihiin oo hadli maysidee, halka wax ee fiican ee aan ku hurudno waxay tahay ama Michael Keating ha yimaado, ama adiga iska baqo, ama is maahmaahi, in shacabka Puntland ay soo jeedaan maantana wax kasta ay la socdaan adiga iyo Gafanayaasha soo kuud kuudadana aysan waxba ka sugayn.

Midda aad ka tiri Canada oo ah Puntland dad aan aqoon lahayn iyo dad aan waxba haysan baa isugu soo haray, waa hadal layska yiri, balse adigaa hadda PHD ahee Xasan Shiikh baana banoonigii kaa badiyayee, wax la,aan waxay haysaa ninka dadkaas intuu u soo dhoofay inuu dhaco u yimid ee reer Puntland abaar iyo doog wali iyagoo qofna baryaaya lama arag, beenna sheegi mayo maxaa jira waa wax la soo tijaabiyay oo layska ogyahay. Lib aanad lahayn laguma faanee 20maarso yaan golaha lagaa wayin, adiga iyo Cumar aad baad u nasiib badantihiin, maxaa jira waan hubaa meel kale inaydan waxba ka noqoteen, Xasan Shiikhna nacaybaka Puntland buu wax kasta ku lumiyay, laakiin puntland wali uma soo jeesan inay iska celiso xasan waxayna iska ilaalinayaan in ninkaas dagaal ay la galena Soomaalinimadii ku lunto laakiin ma ayan ka fekerin meel Xasan madax weyne ka yahay Soomaalinimo inaysan ka imaanayn.

Reer Puntland waa inay la dagaalaan oo ay ka hor yimaadaan quranka uu Xasan Xamar ku huurinaayo, siyaasaddiisa waa inay diidaan, Bay caga juglayn iyo baqdin bay kula soctaa, Hiiraan ilaa iyo hadda waa laqi la,yahay, reer Galmudug iyagii buu isku diray, annaga Gaas buu inoo soo diray, shacabka un baan is dagaalinee gaas wax kasta waa innagu tijaabiyay, ilaa haddadaan waan u jeednaa waxa gobolka Bari ka socda, hana diidaan gar darada iyo siyaasad xumida Xasan Shiikh maxamuud iyo Cumar cabdi rashiid, mana aha in laga yeelo dowladdii baan nahay, maxaa jira wxii aan kula heshiinay in dalka lagu maamulo way ka baxeen sidaas daraadeedna sharci iyo wax heshiis ah lama wadaagno, Gaasn runtii waa inuu iyaga raacaa ama uu Soomaali u daneeyaa oo uu diido ku tumashada heshiiskii ay ummadu wada gaartay iyo tastuurkii la wada samaystay.

Soomaaliya Ha Noolaato ! Puntland Ha noolaato!

Wa billaahi Towfiiq.

Cali Cilmi Soomow