DHAGEYSO:- Xaalada Degmada Garbahaareey oo sakay dagan kadib qarax qasaare geestay oo xalay ka dhacay degmadaas

0

Wararka naga soo gaaraya Magaalada Garbahaarey ee Gobolka Gedo ayaa sheegaya in Saaka xaalada ay degan tahay ka dib xalay Fiidkii oo qarax qasaare geystay uu ka dhacay Magaaladaasi.

Qaraxa ayaa ka dhacay Maqaaxi ku taalla Magaalada Garbahaarey ee Gobolka Gedo,waxaana ku dhintay inta la og yahay Saddex Ruux oo Shacab ah oo ay kamid tahay Haweeneydii iska la heyd Maqaaxida uu Qaraxu ka dhacay.

Sidoo kale Dadka Dhaawacu uu soo gaaray ayaa la sheegay in ay Gaarayaan ilaa 4 Ruux oo kale.

Saraakiisha Ciidamada Dowladda ee ku sugan Degmada Garbahaarey Ee Gobolka Gedo ayaa sheegay in Qaraxu uu ahaa Miino Goobta lagu Aasay islamarkaana ay ku raad joogaan Dadkii ka dambeeyay.

Afhayeenka maamulka gobolka Gedo Nuur Sayax Xareed oo Idaacadda Risaala la hadlay ayaa sheegay in hada isgaarsiinta ay hawada ka maqan tahay ilaa iyo hadana aan la ogeyn qasaaraha uu geystay qaraxaasi.

HALKAAN KA DHAGEYSO