DHAGEYSO: Caalim oo si adag kaga hadlay Amaanka Muqdisho iyo Hal Arin oo halis ah

0

Siyaasiyiinta falanqeeya Arimaha Soomaaliya ayaa si adag kaga hadlay xilka lagu wareejiyay maamulka gobalka banaadir oo ah Amniga Caasimada.

Max’ed Max’uud Nuur Caalim oo ka falooda Arimaha Somalia kuna nool dalka Finland ayaa sheegay in sax aysan aheyn in gobolka Banaadir amaankiisa xiligaan lagu wareejiyo waliba iyadoo aysan dowladu qabin ciidamo tayo wanaagsan.

Caalim ayaa sidoo kale sheegay in taas ay keeni karto isku dhac hor leh oo dhexmara beelaha faraha badan ee kuwada dhaqan magaalada Muqdisho madaama uu sheegay in Amaanka uu ku wanaagsan yahay in laga wada shaqeeyo.

hadalka caalim ayaa imaanaya iyadoo ay bateyn weerarada halaaga ah ee ka dhaca inta badan muqdisho, Dowlada Soomaaliyana ay go’aan satay in amaanka muqdisho la hoos geeyo maamulka gobalka Banaadir si meesha ay kaga baxdo isku haleynta dhanka amaanka.

HALKAAN KA DHAGEYSO