Wasiirka caafimaadka oo dhagax dhigtay qeyb cusub oo lagu soo kordhiyay isbitaal Madiina

0

Wasiirka caafimaadka ee Xukumadda Federaalka Soomaaliya Drs Xaawo Xasan Maxamed ayaa maanta dhagax dhigtay qeyb cusub oo gurmadka deg deg ah loogu talagalay, taasi oo lagu soo kordhiyay isbitaalka Madiina ee Magaalada Muqdisho.

Wasiirka caaafimaadka oo ay wehliyaan mas’uuliyiin kale oo ka tirsan Wasaaradda caafimaadka ayaa kormeer howleed ku tegtay isbitaalka Madiina, iyadoo maamulka isbitaalka ka dhageysatay warbixin.

Agaasimaha isbitaalka Madiina Dr Maxamed Yuusuf ayaa xusay in waxgalka isbitaalka uu kor u qaadi doono qeybta cusub ee lagu soo kordhiyay.

“Waxa ay noqon doontaa qeybtan gar gaarka deg deg ah, dhismo aad u weyn waaye, waana qeyb cusub oo isbitaalka lagu soo kordhiyay, taasi oo aan is leenahay waxa ay naga sii caawineysaa howlaha aaan bulshada u hayno”ayuu yiri Dr Maxamed Yuusuf.

Wasiirka Caafimaadka ee Soomaaliya Drs Xaawo Xasan Maxamed ayaa sheegtay in qeybta cusub ay dhagax dhigtay uu wax weyn ku soo kordhin doono adeegyada uu isbitaalka u hayo bulshada Soomaaliyeed.

“Waxaan halkan u nimid inaan dhagax dhigno qeyb cusub, taasi oo noqoneyso in wax loogu qabto dadka u baahan adeega gar gaarka deg deg ah, waa barnaamij aad u weyn oo wax badan ka tari doono howlaha isbitaalka uu u hayo bulshada, runtii isbitaalka waqtiga adkaa ee dagaalada ayuu bulshada u soo qabtay adeegyo muhiim ah, haatanna ah weli maamulka iyo howlwadeenada waxa ay diyaar u yihiin inay bulshadooda u adeegaan” ayay tiri Wasiirka Caafimaadka.