UPDATE:- Waalidiin lagu eedeynayo inay gabadhooda ku soo gudeen Somalia oo lagu xiray dalka Britain.

0

Aabe iyo Hooyo Somali ayaa lagu xiray Garoonka Diyaaradaha ee Heathrow ee magalladda London, iyadoo lala xiriirinayo inay gabadhooda ku soo gudeen Somalia, iyadoo dalka Britain maamuuc ka yahay Gudniinka Gabdhaha ee FGM.

Qabashadooda ayaa timid, kadib, markii ay Maamulka Dugsi ku yaalla Koonfurta magaalladda London walaac xooggan ka muujiyeen inaysan Gabadhaasi ku guul-daraysatay inay timaado Fasala, isla markaana ay Maamulka Dugsigaasi sheegeen inay rumeysan yihiin in Gabadhaasi loo kaxeeyey Somalia.

Hooyadda loo qabtay Kiiskaasi oo 49 jir ayaa la qabtay, kadib, markii ay ka soo degtay Diyaarad ka timid magaalladda Nairobi ee dalka Nairobi.

Aabaha oo isagana 45 jir ah oo aan la soconin Duullimaadkaasi ayaa lagu qabtay Garoon kale oo ku yaalla Galbeedka London.

Lammaanahaasi waxay haatan ku xiran yihiin Saldhig ku yaalla Koonfurta magaalladda London, iyadoo ay ku socoto baaritaan, waxaana lagu soo oogayaa inay gacan ka geysteen in qof aan u dhalanin Britain inay u qaadaan dalalka ka baxsan Baddaha, si ay ugu soo gudaan (FGM).

Dhinaca kale, Saraakiisha Boliska Britain ee u xil-saaran Baaritaanka Tacadiyadda loo geysto Carruurta ayaa ku guuleystay Baaritaanka arrintaasi, waxaana gabadhii yarayd oo la soo guday oo 8 jir ahayd u gudbiyeen Xarunta Daryeelka iyo Badbaadinta Carruurta.