DHAGEYSO WAREYSI:- Mareykanka oo la sheegay in ay Nolosha ku wateen Saraakiil Al-shabaab ah

0

Iyadoo Dowladda Soomaaliya iyo Mareykankuba ay shaaciyeen in Weerar Qorsheysan lagu qaaday Degaanka Aw-dheegle oo ay Maamulaan xarakada Al-shabaab ayaa waxaa soo baxaya Warar kala duwan.

Afhayeenkii hore ee Maamulka Gobolka Shabellaha Hoose Maxamed xuseen Shiine oo la hadlay Radio Kulmiye ayaa sheegay in Diyaaradaha Mareykanka ee Weerarka ku qaaday Aw-dheegle ay Nolosha ku wateen Saraakiil Shabaab ah oo uu ka mid yahay Sargaal Magaciisa lagu soo Koobay Abuu Cubeyda oo ah Kuxigeenka Howlgaladda Al-shabaab ee Shabellaha Hoose.

Afhayeenka ayaa intaa ku daray in Howlgalkaasi uu ahaa mid Qorsheysan oo ay wada qaadeen Dowladaha Mareykanka iyo Soomaaliya.

Weerarka lagu qaaday Degaanka Aw-dheegle ee Gobolka Shabellaha Hoose ayaa waxaa Fuliyay Ciidamada Kumaandooska Soomaaliya ee Dannab,kuwaas oo caawinaad ka helaya dowladda Mareykanka.

HALKAAN KA DHAGEYSO WARESYIGA