DHAGEYSO WAREYSI:- Howlgallo looga Saarayo Al-Shabaab deegaano ka tirsan Gobolka Shabeellada Dhexe oo si xawli ah u socda

0

Gobolka Shabeellaha Dhexe bilihii ugu dambeeyay waxaa ka socday howlgallo ay iska kaashanayeen ciidamada dowladda Soomaaliya iyo dadka degaanka.

Howlagaladaas ayaa maleeshiyada Al-Shabaab looga xureeyay tuulooyinka iyo dhulka ku yaala dhinaca bari ee gobolka Shabeelaha dhexe.

Howgalkii ugu dambeeyay ayaa saakay ka dhacay tuulada Miirtuugo, halkaa oo ay sida saraakiisha dowladdu sheegeen lagu dilay shan ka mid ah maleeshiyada Al-Shabaab sideed kakena ay ku dhaawaceen.

Halkaan ka dhageyso Wareysiga gudoomiye ku xigeenka maamulka Shabeelaha Dhexe Abukar Xasan Cali Maqaney.