DHAGEYSO FAAHFAAHIN:- Ciidamada Kumaadooska Soomaaliya oo Fuliyay Weerarkii Aw-dheegle

0

Afhayeenka xukuumadda Soomaaliya C/Salaan Caato oo la hadlay Telefishinka CNN ayaa sheegay in weerarkaasi ay qaadeen ciidamada dawlada Soomaaliyaa gaar ahaan kuwa comaandooska ah ee Dannab la yiraahdo waxaana uu sheegay inay Maraykanka garab ka helayeen.

C/salaam Caato waxaa uu ku gaabsaday  in howlgalkaasi oo bartilmaameedkiisu ahaa hogaamiyaal Al-Shabab ka tirsan in hadafkii laga lahaa laga gaaray.

Dhanka kale Saraakiil ka tisan waaxda difaaca Maraykanka ee pentagon,ka ayaa baahiyay in weerarkii ka dhacay Gobolka Hiiraan inay ku dileen saraakiil sar sare oo ka tirsanaa hogaamiyaasha Xarakadda Al-Shabab.

Tv,ga CNN ee Maraykanka ku yaala ayaa baahiyay labada ruux ee la dilay ay kala yihiin Yuusuf Cali Ugaas oo lagu sheegay inuu ahaa madaxi tababarada Al-Shabab iyo gudoomiyihii gobolka Hiiraan ee Al-Shabab Max’ed Cali Mire o sidoo kalena ahaa inuu ahaa madaxii maaliyada.

HALKAAN KA DHAGEYSO