Qorshe ay Kooxda Daacish ku qafaalan lahaayeen Ra’isul-wasaraha Malaysia oo la fashiliyay

0

Ra’isul-wasaare-ku-xigeenka, ahna Wasiirka Arrimaha Gudaha ee dalkaasi, Axmed Zaahid Xamiidi ayaa sheegay inay Boliska fashiliyeen sannadkii hore qorshe ay Daacish ku qafaalan lahaayeen Ra’isul-wasaare Najiib Rasaaq iyo Saraakiil kale.

Waxa uu tilmaamay inay 13 qof oo lala xiriirinayo Daacish la qabtay, kuwaasi oo uu xusay inay doonayeen inay weeraraan Caasimadda Maamulka ee magaalladda Putrajaya, si ay u qafaashaan Ra’isul-wasaaraha iyo Wasiiro ka tirsan Dowladda Malaysia.

Kooxda Daacish ayaa weeraro culus ku qaada dowladdaha reer galbeedka xarumahooda iyo kuwa taageera.