DHAGEYSO:- Mooto Bajaaj ku qaraxday Wadada 21-Oktoobar iyo ciidamada Booliska oo qabtay ninkii waday mootada

0

Saraakiisha ciidamada Booliska Somaliyed ayaa sheegay inay gacanta ku dhigeen ninkii waday Mooto Bajaaj saaka aroortii ku qaraxday wadada loo yaqaan 21-Oktoobar ee Magaalada Muqdisho.

Taliyaha Qaybta Guud ee ciidamada Booliska Somaliyed Cali Xersi Barre (Cali Gaab) oo la hadlay Warbaahinta ayaa sheegay ciidamada Booliska xalay 4:00 habeenimo inay gacanta ku dhigeen Mooto Bajaajta oo ay la socdeen saddex ruux.

Labo ka mid ah saddexda ruux ee ciidamada ay qabteen ayaa baxsaday, kadib markii ay carareen, waxaana ciidamada u suuragashay inay gacanta ku dhigeen ruuxii waday Mootada.

Booliska waxa ay sheegeen Qaraxa Mooto Bajaajtaasi lagu waday in loo waday Degmada Xamar weyne, inkastoo faah-faahin arintaan la xiriirta uusan ku sii dheeraanin Taliye Cali Gaab.

Hoos ka Dhageyso Codka:-