DHAGEYSO:- Madaxweynaha Soomaaliya oo dhagax dhigay Xaruntii Kulliyada Farsamada ee Jaamacada Ummada

0

Madaxweynaha Dowlada Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa dhagax dhigay Xaruntii Kulliyada Farsamada ee Jaamacada Ummada Soomaaliyeed oo dib u dayactir lagu sameynayo.

Munaasabadii lagu dhagax dhigaayay Xarunta ayaa waxaa waxaa ka qeyb galay Madaxweynaha Soomaaliya, Wasiiro, Xildhibaano iyo Masuuliyiin kale oo ka tirsan Dowlada Federaalka Soomaaliya.

Madaxweynaha Dowlada Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo Munaasabada ka hadlay ayaa ka sheekeeyay ahmiyada ay leedahay Xarunta iyo Ujeedka ay ka leeyihiin.

Waxa uu sheegay in xaruntan ay taariikh weyn ku leedahay shacabka soomaaliyeed gaar ahaan bahda waxbarashada isla markaana aan la ilaabi Karin.

Waxa uu tilmaamay in ay muhiim tahay in qof walbo uu waajib iska saaro hormarinta waxbarashada Dalka iyo sidii xaruntaan loogu soo celin lahaa sidii hore oo ay ahaan jirtay.

Hoos ka Dhageyso Codka:-