DHAGEYSO:- Dad loo soo qab qabtay Qaraxyo Saakay ka dhacay Muqdisho

0

Taliyaha Booliska Gobolka Banaadir Cali Xirsi Barre “ Cali Gaab” ayaa ka warbixiyay Qaraxyo Saaka ka dhacay Magalada Muqdisho gaar ahaan Degmooyinka C/Casiis iyo Waabari.

General Cali Gaab waxaa uu shegay in Qaraxa ka dhacau C/Casiis oo uu watay Qof Naftii hore ah ay ku dhinteen 3 Sarkaal oo Boolis ah,Qof kii is Qarxiyay oo oo dhaawac ahna ay gacanta ku dhigeen.

3da Sarkaal ee ka dhimatay Booliska ayuu sheegay in ay ka mid ahaayeen Saraakiil uu tababar uga socday Xerada Gaadiidka islamarkaana iyaga oo ku shaahayay Maqaaxida uu isku qarxiyay Qofka dhaawaca ah ee watay Gaariga.

dhanka kale Xaafadda 21ka Oktoobar ee Degmada Waabari ayuu sheegay in 3 Qof oo watay Mooto Bajaaj ay midkood qabteen Labana baxsatay ka dibna qaraxday mootadii.

Waxaa uu sheegay in ay Su’aalo weydiiyeen Qofka lagu qabtay Degmada Waabari ee mootada la socday una sheegay halka laga soo diray.

Hoos ka Dhageyso Codka:-