Daawo Sawirada Qaraxii ka dhacay Muqdisho iyo Saraakiil ku dhimatay

0

Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya Qarax Ismiidaamin ah oo ka dhacay Maqaaxi u dhaw Xarunta Gaadiidka Booliska Ee Degmada C/casiis.

Wakaaladda Wararka Soomaaliyeed Ee Sonna oo halkaasi Sawiro ka soo qaaday ayaa Sawiradaasi waxaa ay Muujinayaan sida uu u dhacay Qaraxa iyo Burbur soo gaaray Goobta.

Taliyaha Ciidanka Boliska Gobalka Banaadir Gen Cali Xirsi Barre oo Wakaaladda Wararka Soomaaliyeed Ee SONNA kula hadlay Goobta Qaraxu ku dhacay ayaa sheegay in bartilmaameedka Gaarigu uu ahaa Hoggaanka Gaadiidka Booliksa Soomaaliyeed oo Tababar ay ku qaadanayeen Ciidamo iyo Saraakiil ka tirsan Ciidanka Booliska.

“Waxa ay rabeen in ay gaariga ku dhuftan Albabka Hore Ee Xerarada lakiin intii uusan soo leexan ayuu gaariga qarxay, ninkii waday waa kaa gaariga dhinac yaalla hadda sadax sargaal ayaa ku dhimatay dad kale oo maqaayadda fadhiyayna dhaawacyo kala duwan ayaa soo gaaray”Sidaasi waxaa Yiri Gen Cali Xirsi Barre.

Dhanka kale Qarax loo Adeegsaday Mooto Bajaaj ayaa ka dhacay Degmada Waabari,waxaana Laamaha Ammaanka ay sheegeen in Mootada ay la socdeen Saddex Nin oo labo kamid ah ay baxsadeen,balse la hayo mid kamid ah Saddexdii Ruux.

Sidoo kale Taliyaha Ciidamada Booliska Gobolka banaadir Gen. cali gaab ayaa sheegay in la hayo Ninkii waday Gaariga is qarxiyay oo dhaawac ah.

Dadka ku dhintay Goobta ayaa waxaa ku jira saddex Sargaal oo Booliska ka tirsan iyo haweeneydii iska la heyd Maqaaxida uu Qaraxu ka dhacay.

Hoos ka Daawo Sawirada:-

qarax qarax2 qarax3 qaraxa1 qaraxa4 qaraxa5