Ciidamada Yahuuda oo toogtay Falastiiniyiin weeraray rakaab gaari saarnaa

0

Booliska Israel ayaa toogasho ku dilay 2 ruux oo Falastiiniyiin ah oo lagu eedeeyay inay weerareen gaari nooca dadweynaha qaada ah oo marayay magaalada Qudus qeybta Isra’el.

Wararku waxay sheegayaan in ciidamadu toogteen labada ruux ee Falastiniyiinta ah kadib markii ay rasaaseeyeen gaariga oo marayay xaafadda Albaabka cusub la yiraahdo ee Qudus.

Hal ruux oo Yahuudi ah ayaa ku dhaawacmay is rasaaseyn dhewx martay booliska iyo labada ruux ee la dilay.

Afhayeen u hadlay booliska Israel ayaa sheegay in hadda xaaladu degentahay baarisna ay wadaan.