Barakacayaasha Muqdisho oo loogu yaboohay lacago farabadan

0

Safaaradda Jarmalka ku leedahay caasimadda dalka Kenya ee Nairobi waxay maanta soo saareen Hadal Qoraal oo ay ku sheegeen inay 2.5 million oo Euro ugu deeqeen Barakacayaasha ku nool Muqdisho, iyadoo Lacagtaasi loo soo marsiiyey Sanduuqa Badbaadi Carruurta “Save the Children”.

Lacagahaasi waxaa lagu taageeri doonaan Qoysaska Barakacayaasha ee ay soo food saartay caqabado dhinaca Quutal-daruuriga.

Sidoo kale, Dowladda Jarmalka waxay door ka ciyaartay Taageeradda Somalia oo ka soo kabanayso Sannado ay Dagaallo ka socdeen.

Dowladda Jarmalka waxay kaloo Malaayiin Euros ku bixiyeen Barnaamijyadda Kaalmooyinka Horumarinta ee lagu xoojinayo Awoodda Mujtamacyadda iyo Dhibanayaasha ay waxyeelladu ka soo gaaray Daadadkii ku dhuftay qeybo ka mid ah Somalia.

Dowladda Jarmalka, waxay sii wadaa inay Dowladda Federalka ka taageeraan dhinacyo kala duwan o oay ku jiraan Dhismaha Awoodaha iyo Dowlad-wanaaga