10 oo qof ku dhimatay Saldhig ku yaalla Dalka Afgaanistaan

0

Wararka ka imaanaya koonfurta dalka Afganistaan ayaa sheegaya in halkaasi lagu dilay Ugu yaraan 10 qof.

Afhayeenka Gobalka Helmand, Omar Zawak ayaa sheegay inay Maleeshiyo Daalibaan Waaberigii hore ee saakayto weerareen Xarumo Bolis iyo Xafiiska Hay’adda Sirdoonka ku leeyihiin Gobalkaasi.

Ugu yaraan 3 Sarkaal oo ka tirsanaa Boliska iyo 7 dagaalyahan ayaa lagu dilay iska horimaadkaasi, sida uu sheegay Xildhibaan Jabar Karaman oo loo xil-saaray inuu soo baaro xaalladda Gobalka Helmand.

Maleeshiyaadka Dalibaan ayaa weerara xarumaha dowladda Afganistan iyo kuwa dowladda shisheeye ay ku leeyihiin wadamadaasi.