WARSAXAAFADEED:- Madax siyaasada Midowga Yurub oo la kulmay madaxweyne kuxigeenka Puntland

0

Madaxweyne ku-xigeenka Puntland ahna kusimaha Madaxweynaha Eng.Cabdixakiim Cabdulaahi Xaaji Cumar Camey ayaa maanta March 8, 2016 xafiiskiisa ku qaabilay Wafti uu hoggaaminayo madaxa xafiiska siyaasadda ee midowga Yurub.

Wafdigii ka socdey midowga Yurub ayaa waxay sheegeen in ay Puntland ka caawin doonaan hannaanka dimuqraadiyaynta Puntland ama hannaanka axsaabta badan maadaama dhowaan ay Dawladdu magcawday guddigii doorashooyinka Puntland.

Waftiga ayaa sidoo kale Madaxweyne ku-xigeenka Puntland ahna kusimaha madaxweynaha waxay kala hadleen geeddi-socodka Doorashooyinka 2016-ka iyo mawqifka Puntland ee hannaanka doorashooyinka 2016-ka.

Madaxweyne ku-xigeenka Dawladda Puntland ahna kusimaha Madaxweynaha Eng.Cabdixakiim Cabdulaahi Xaaji Cumar ayaa waftigii ka socdey midowga Yurub u sheegay in dawladda Puntland ay ku shaqayso rabitaanka shabkeeda isla markaana shacabka Puntland ay hore u caddeeyeen dareenkooda ku aadan in dalka dib loogu celiyo hannaankii awood

qaybsiga qabiilka ee 4.5, kaas oo waddanka hore u soo ragaadiyey, isla markaana aanay jirin haba yaraatee wax iska beddeley go’aankaasi.

Kusimaha Madaxweynaha ayaa sidoo kale sheegay in hannaanka awood qaybsiga qabiilka ee 4.5 aanay wax dan ahi ugu jirin guud ahaan ummadda Soomaaliyeed isla markaana uu haddii la oggolaado meesha ka saari doono rajadii laga qabey helitaanka qaranimo Soomaliyeed oo markale cageheeda isku taagta isla markaana haysata kalsoonida shacabkeeda.

Waftiga ayaa muddo kooban ku sugnaan doona magaalada Garoowe ee Caasimadda Dawladda Puntland waxaanay kulamo la qaadan doonaan muddada ay joogaan Golaha Wakiillada Puntland, Wasaaradda Dastuur, Wasaaradda Amniga iyo guddiga doorashooyinka Dawladda Puntland ee dhowaan la magcaabay.