TOOS U DHAGEYSO:Waxgaradka Beesha Maxamed Amaan Reer Oo Beeniyay Eedeeyn Loo Jeediyay Kana Warbixiyay Xaqiiqda Ka Jidha Deegaanada Dagaalada Ka Socdaan Iyo Galmudug Oo Soo Abaabushay Dagaalka.

0

Xilli Dhawaan mid kamid ah Ah Beelaha Dega Deegaanka Qoryo-Caddo oo katirsan Degmada Galaadi ee Dhulka Somalida Ethopia ay maamusho ay shaaciyeen in xasuuq ka dhacay Deegaankaasi oo loo geestay Dad birimo geydo ah ay ka dambeeyay beel kale oo kamid ah Blaha Deegaankaasi, ayaa waxaa arintaasi si adag uga hadlay Beesha la eedeyay.

Beeshaan oo kulan ku yeeshay Gudaha Deegaanka ayaa waxay sheegeen in arintaan ay tahay mid looga been abuuraayo isla markaana aysan jirin xasuuq Beeshu ay ka geesatay deegaanka.

Beelaha xiisadooda ay kasoo cusboonaatay ee wada Dega Deegaanda Qoryo Caddo ayaa waxay yihiin Beelaha muddo dheer ay colaadooda ka jirtay qaybo kamid ah Degmada Saaxo ee Gobolka Mudug.

 

Hoos ka dhagayso Shir jaraaid ee waxgaradku beesha qabteen:


Waxii Kasoo Kordha Warkan Kala Soco Allgalgaduud Media

Wariye Cumar Siciid Cabdiraxmaan Laki Man
Caabudwaaq-Galgaduud-Somalia